Ma dhabaa in Ra’isalwasaare khayre todobaadka danbe kusoo wajahan yahay Puntland?

Warar ay isla dhexmarayeen maalmahan warbaahinta Somalida qaarkood,ayaa sheegaya in dhawaan Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali kheyre iyo wafti uu hoggaaminayo ay tagayaan magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
 
Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Farmaajo oo la qorsheynayey in uu booqdo magaalada Boosaaso uu ka baaqday,iyadoo booqashada Madaxweynaha ee Bosaso ay soo dhex gashay safarka uu ku aaday Boqortooyada Sacuudiga,waxaana hada dib loogu dhigay safarkiisa Puntland bisha Oktoobar ee Sanadkan sida warkan sheegayo.
 
Waa markii labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ka baaqdo Safar uu ku gaaro Puntland tan iyo markii la doortay,safarkiisii hore ee u ka baaqday ayaa ahaa xiligi isku shaandheynta lagu sameeyey Golaha Wasiirada Dawlada Puntland,inkastoo Madaxtooyada Puntland aysan safarkaasna xaqiijin oo uu ahaa oo kaliya war saxaafadu isla dhexmaraysay.
 
Warkan ayaan wali cadayn mana jirto Xaafiis uu si cad uga soo baxay marka laga soo tago saxaafada isla dhexmaraysa.
 
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Fadaraalka Soomaaliya wali kama hadlin warkan sheegaya booqasho uu kheyre ku tagayo magaalada Boosaaso.
 
Madaxtooyada Dawlada Puntland oo ay xiriir la samaysay idilnews ayaa iyaduna sheegtay in aysan warkan hayn,isla markaana uusan jirin xog kasoo gaartay Villa Muqdisho oo ku saabsan booqasho Khayre ku imaanayo Puntland.
 
Xiriirka Puntland iyo Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa caadiyan wanaagsan,iyadoo ay ka midaysan yihiin arimo dhawr ah oo muhiim u ah horusocodka nidaamka dawliga ah ee dalka.
 
Puntland iyo Dawlda dhexe ayaa kawada shaqaynaya Barnaamijyo dhawr ah oo ugu horeeyo dib u eegista Dastuurka Fadaraaalka,midaynta canshuuraha iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Dalka.
 
Madaxweyne Gaas ayaa maalmahan ku sugan magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.