Maraykanka: Kushner doorashadii “inuu gabadh yahay buu qortay”

Waxa la sheegay in wiilka Donald Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner uu diiwaangelintii doorashada isku qoray inuu yahay gabadh.
 
Waraaqihiisa ku jira faylasha gudida doorashooyinka ee gobolka New York ayaa muujinaya in ay u qorantahay “dheddig”, waxaana sidaa muujinaya sawirro laga soo qaaday waraaqahaas oo warbaahintu faafisay.
 
Sawirrada waraaqahaasi waxay muujinayaan in Kushner, oo la taliye sare u ah madaxweynuhu, in uu isu diiwaan geliyey inuu cod bixiye noqdo bishii Noofember 2009.
 
Jared oo ahaan jiray nin ka shaqeeya maalgashiga guryaha ayaan ilaa hadda ka hadal warkan, waxaana muuqata in aanay caddayn sababta khaladkaasi u dhacay.
 
Khaladkan dhacay lagama yaabo in uu noqdo fal dambiyeed doorasho, maadaama waxa fal dambiyeed noqon karaa yahay in qofku si kas ah xog been ah sheegto.
 
Madaxweyne Trump ayaa aad uga hadlay arinkaa fal dambiyeedka doorashadii Maraykanka ee 2016-kii waxaanu fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray in “malaayiin qof” ay sifo “sharci darro ah ku codeeyeen” laakiin wax cadayn ah muu soo bandhigin.
 
In kasta oo Trump doorashada ku helay aqlabiyada tirada ergo codeedka gobollada, ayaa hadana waxa wadarta guud ee codadka uu helay waxay 2.86 milyan ka yaraayeen codadkii ay heshay musharaxii xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton.
 
Madaxweynuhu wuxu sameeyey gudi la talineed oo si gaar ah u baadha eedaha musuqmaasuq ee doorashada laakiin ugu yaraan 20 gobol ayaa ku gacan saydhay codsigii gudidaas ee ahaa in ay baadhaan xogta liiska dadka doorashada isku diiwan geliyey sida magacyada, cinwaannada iyo cidda ay u codayn jireen.
 
Warkan u dambeeyey ee laga qoray Kushner wuxu soo baxay maalmo uun ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in isaga iyo afadiisa Ivanka ay email-kooda gaarka ah u adeegsadeen shaqada dawladeed ee ay ka hayaan Aqalka Cad.
 
Tallaabadaas ayaa shaki weyn abuurtay maadaama oo Trump si isdaba joog ah intii uu socday ololihii doorashada 2016-ku ugu dhaliili jiray Clinton in ay email-keeda gaarka ah ugu adeegsatay sirta dawladda markii ay ahayd xoghayaha arimaha dibadda.
 
Hillary Clinton oo ahayd musharaxii xisbiga Dimuqraadiga ee madaxtinimadu waxay arinta ku tilmaantay “munaafaqnimo halkii ugu sarraysay gaadhay”.
 
Wargeyska New York Times ayaa magac dhebay afar xubnood oo ka mid ah kooxda Trump la shaqeeya oo sidoo kale la rumaysanyahay in ay email-ladooda gaarka ah u adeegsadaan shaqada dawladda. Waxaanay kala yihiin Steve Bannon oo ah madaxii hore ee istiraatijiyadda Aqalka Cad, Reince Priebus, madaxii hore ee shaqaalah Aqalka Cad, Gary D Cohn iyo Stephen Miller oo ah laba la taliye.
Xigasho BBC.