Sawiro:-Shirkii qaabaynta caasimada Garowe oo soo gabagaboobay

Shirka Horumarinta iyo Qorsheynta magaalada Garowe oo socday muddo 3 maalmood ah ayaa maanta soo xirmay, waxaana ka qeybgalay dhamaan xaafadaha magaalada,Dowlada hoose,Wasaaradda Hawlaha guud, Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasaaradda Deegaanka,Hay,adda UN-habitat,World bank, Laamaha Amniga,Issimadda,Nabadoonada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kulankaan waxaa soo qabanqaabiyay Dowlada hoose GAROWE oo gacan ka helaysa Hay,adda UN-habitat mashruuca JPLG, waxaana goob joog u ahaa khuburo uu ka mid yahay Madaxweynihii horre ee Dowlada Puntland Ahna mudane ka tirsan Aqalka sarre ee Dowlada Federalka Somalia.

Shirka oo lagu gorfeynayay sidii nashqad loogu samayn lahaa mustaqbalka magaalada Garowe ayaa lagu go,aamiyay maareynta Qashinka iyo sidii loogu nashqadeyn lahaa wadooyin waaweyn.

Gabagabadii oo maanta ahayd waxaa la isla qaatay muhiimiyadda Town Plan-ka iyo sida magaaaladu ugu baahan tahay bilic iyo horumar iyo sidii loo heli lahaa magaalo casriya oo nadiif ah oo uu u dhamaystiran yahay nooc walba oo ka mid ah Adeegyadda Caasimadaha Adduunka.

 

 

WD.Abshir Dhiirane.