Video:-Muxuu kala kulmay Madaxweyne Farmaajo Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.
 
Madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.
 
Madaxweynaha waxay ka wadahadleen Boqorka iyo Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudiga xoojinta xiriirka labada dal,iyadoo ay ugu muhiimsanaayeen arimihii ay kawada hadleen:-
 
B.Maalgashiga,
 
T.Iskaashiga Ganacsiga
 
J.La dagaallanka xagjirnimada,
 
X.Dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya
 
Kh.Mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu ka fulineyso Soomaaliya.
 
D.Qadiyada haatan ka taagan Mandiqada.
 
 
Mas’uuliyiintii kale ee uu Madaxweynahu sida gaarka ah ula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr.
 
Dowladda Fadaraalka Soomaaliya waxaa wada hadallada uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yuusuf-Garaad Cumar, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Balal Maxamed Cismaan iyo Danjiraha Soomaaliya ee Riyaad Daahir Maxamuud Geelle.
 
Dhanka Sacuudiga waxaa uga qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda.
 
Booqashada Madaxweynaha Fadaraalka Soomaaliya uu ku joogo dalka Sucuudiga,ayaa la filayaa in ay maanta soo gabagabawdo,iyadoo ilaa iyo hada aan xog rasmiya laga hayn guusha laga gaaray iyo arimaha ay isla fahmeen madaxda Boqortooyada Sacuudiga.
 
Dawlada Fadaraalka Somaliya ayaa horay go’aan ka caraysiiyay Xulufada Sacuudiga uga qaadatay khilaafka Dawladaha Khaliijka Carabta,hoos ka daawo muuqaalka booqashada madaxweynaha ee Sacuudiga.

 

Halkan ka daawo muuqaalka