Xogihii ugu danbeeyay Safarkii Madaxweyne Farmaajo Ee Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya,ayaa kulamo la qaatay madaxda dalkaas.
 
Madaxweyne Farmaajo,ayaa ugu horaynba booqasho ugu tagay Qasrigiisa Boqor Salmaan,sidoo kale waxuu kulamo kale la qaatay dhaxal sugaha Boqortooyada iyo Wasiirka Arimaha Dibada.
 
Kulankii ugu muhiimsanaa kulamada Madaxweyne Farmaajo uu la qaatay madaxda dalkaas ayaa waxuu ahaa kulankii uu la qaatay madaxa sirdoonka dalkaas.
 
Wararka laga helayo kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxa sirdoonka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya in uu ahaa kulankii ugu adkaa uguna muhiimsana,
 
Arimaha Madaxweyne Farmaajo gacanta laga saaray ee looga digay lana ogaysiiyay ayaa waxaa ka mid ah:-
 
 
1. Go’aankii aad ka qaadatay khilaafka Carabta waa khalad
2. Arrimaha Soomaliya sida aad u wadid sax mahan
3. Saudi way wadayaan wixii ah arrimaha bani aadminimo (humanitarian) ah
4. Wixii horumar ah (Development) dib ayaan u dhiganaynaa.
 
 
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo madaxa sirdoonka kadib ayaa xogo ay ka heshay idilnews ilo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan Madaxweyne Farmaajo in uu codsaday in wakhti la siiyo uu uga soo baaraan dago arimahan.
 
Waxaa la filayaa ilaa beri in Madaxweynaha iyo waftigiisa ay soo afmeeraan booqashadoodda Sacuudiga .