Al-Shabaab oo Weeraray Saldhig Ciidan oo ku yaala Barriirre

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellasda Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Bariirre.

Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kadibna maleeshiyo hubaysan ay weerareen saldhigga.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inuu dhacay dagaal laba wareeg ahaa oo qaraar oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabab.

Saldhigga Bariirre ayaa ciidamada dawladdu ay Al-Shabaab ka qabsadeen bishii Ogosto, waxaana weerarkan imanayaa iyadoo ciidamada dawladda isku diyaarinayeen inay isku ballaadhiyaan meelo kale.

Hoobiyaal ayaa sidoo kale la sheegay in Al-Shabab ay kusoo rideen saldhigga ciidamada dawladda ee Laanta Buuro iyaga oo isku dayaya inay ka hor istaagaan in gurmad uu u tago ciidamada Barire.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha dagaalkan