Qabanqaabada xarig ka jarida Saldhiga Ciidamada Turkiga Ee muqdisho oo socota

Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu horkacayo ayaa goordhow ka soo degay Garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa wafdigan si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Geeddi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga u fadhiya Somalia Ambasador Olgan Baker.

Waxaa wafdigan loo galbiyay xarunta Safaaradad Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, halkaasoo ay kulamo uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Socdaalka taliyaha ayaa la sheegay iney hordhac u tahay wafdi Ballaaran oo ka socda dowlada Turkiga kaasoo ka qeyb geli doona munaasabadda xarigga looga jarayo saldhig milateri oo Turkiga ka hirgeliyayay duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka dowlada