Video:-Erdogan iyo Putin oo heshiis ka gaaray Colaada dalka Suuriya

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku heshiiyay in la riixo abuuritaanka aag ka caagan xasaradaha oo laga hirgelinayo gobolka muhiimka ah ee Idlib ee waqooyiga Suuriya.

Hadafka arrintani ayay madaxdani ku sheegeen sidii loo dhameyn lahaa dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Kadib marki ay dhamaadeen wadahadalada labadani hogaamiye, ayuu madaxweyne Erdogan ka sheegay magaalada Ankara in Turkiga iyo Russia ay doonayaan inay ka dhabeeyaan dhameystirka qorshahani.

Heshiiskan ayaa loo arkaa inuu tallaabo weyn oo horay loo qaaday u yahay bilowga wadahadalo nabadeed oo lagu soo dhameynayo colaada sokeeye ee Suuriya.

Gobolka Idlib waxaa hadda maamula kooxaha Islaamiyiinta,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka