Video:-Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay shir jaraa’idna qabtay

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo maalmahan dalka dibadiisa ugu maqnaa ka qaybgalka kulanweynihii Qaramada midoobey ee New York,ayaa dib ugu soo laabtay dalka.

Khayre ayaa shir saxaafadeed uu qabtay kadib soo laabashadiisa kaga hadlay arimo dhawr ah,kuwaasoo ay ugu horeeyaan arimaha amaanka ee dalka,gaar ahaan xarunta dawlada fadaraalka ee Muqdisho.

Khayre ayaa sheegay in la kordhinayo qorshaha Howlgalka Xasilinta, kaasi oo lagu nabadeynayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in mar walba nabad-galyada ku xiran tahay sida ay u wada shaqeeyaan ciidamada shacabka hadafkana uu yahay in magaalada iyo dalka oo dhan la nabadeeyo.

‘’Shacabka Soomaaliyeed waxaan u balanqaadeynaa in aan dardargalin doono howlaha lagu sugayo amniga ilaa laga gaaro in dadka Soomaliyeed ay ku qancaan’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka lagula jiro Al-shabaab ayuu sheegay in aysan u baahneyn oo kaliya wax walba in lagu xaliyo howlo ciidan balse ay ay u baahan tahay arrimo siyaasadeed, dhaqaale, maamul, caqiido, dhaqan iyo kuwo kale.

Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada, dilalka iyo qaraxyada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka