Wararkii ugu danbeeyay weerarkii Alshabaab ee Bariire

Faah-faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar saakay aroortii ay kooxda argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen saldhig maleeshiyo taabacsan dowladda fadaraalku ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose,
 
Labo weerar oo is qarxin ahaa oo loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray saldhigga ciidan, waxaana xigay iska hor imaad toos ah.
 
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas culus iyo madaafiic ay labada dhinac isu adeegsanayeen, iyadoo dagaalka uu muddo saacado ah socday.
 
Wararka ayaa sheegaya in tobaneeyo ruux oo u badnaa ciidamadii la weeraray lagu dilay dagaalka, halka tiro kalena ku dhaawacmeen.
 
Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa u sheegay in 17 askari ay ku dileen weerarkaas, halka 7 gaadiid dagaal iyo hub fara badan ku qabsadeen.
 
Waxaa uu sheegay inay la wareegeen saldhigga, isla markaana dagaalyahanadooda ay ku guuleysteen hadafkii ay ka lahaayeen weerarkaas.
 
Warar lagu qoray warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ugu aar-gudayeen dadkii rayidka ahaa ee bishii la soo dhaafay lagu dilay Bariire, markii ay qabsadeen deegaankaas.
 
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada milateriga Soomaaliya ay la wareegeen Bariire, iyagoo taageero ka helayay Ciidamo Mareykan ah.