Kenya oo heegan sare galisay Ciidamadeeda ilaalada Xuduuda ay la wadaagto Somaliya

Ciidamada Amaanka ee Dowladda Kenya ayaa Waxaa uu Sheegay in Xiligan ay ka cabsi qabaan in Al-Shabaab ay Weeraro ka geystaan Magaalada Mandheere ee gobalka Waqooyi bari e dalka Kenya.

Shacabka ku nool Magaalada mandheere ayaa waxaa looga digay inay ka fiijignaadaan weerarada ay qorsheynayaan Al-Shabaab inay ka fuliyaan Magaaladaas.

Waxaa Jirta Cabsi Badan oo laga soo sheegayo  magaalo xeebeedyada dalka Kenya , kaasi ku aadan in Al-Shabaab ay Sii Balaariyaan Weeraradooda,Maadaama Magaalada Mandheere  ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya .

Magaalada Mandera ayaa Waxaa ay xuduud la leedahay  Magaalada Baledxaawo ee Soomaaliya oo dhawaan Al-Shabaab ay  ka geysteen weerar khasaaro badan dhaliyay oo lagu qaaday ciidamo ka Tirsan Jubbaland iyo Kenya,inkastoo markii dambe ciidamada Kenya halkaasi ay isaga baxeen oo ay la wareegeen ciidamada itoobiya.

Ciidamada Amaanka ayaa Sheegay Magaalada Lamu ay ka baxeen dadka aan Kenyaan aheyn, sababo la xariira Dhanka ammaankooda oo ay ka cabsi qabaan in  Al-Shabaab ay Dhibaateeyaan Dadkaas

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegaya in ay heegan gelisay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan magaalo xeebeedyada dalka Kenya.

Ciidamada Amaanka ee Dalka ayaa Aad u adkeeyay Amaanka Magaalada Mandheere oo u dhow Magaalada Baladxaawo ee Gobalka gedo,Maadaama Dhawaan ay Al-Shabaab ay Weerar ka geysteen Magaaladaasi oo ay ku dileen Ciidamo badan ka Tirsan Jubbaland.