Video:-Saldhiga Milatariga Turkiga Ee Muqdisho oo maanta xariga laga jarayo

Madaxweynaha Soomalaiya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu xarigga ka jaro Saldhigga Milateri ee Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya.

 

 

 

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Turkiga Gen. Halusi Akar oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa la sheegay inay si wadajir ah ay u furi doonaan saldhigga milateri ee uu Turkiga ku tababari doono Ciidamada Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka Saldhigga ayaa waxaa lagu casuumay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, Saraakiil ka socda AMISOM, Midowga Yurub iyo NATO.

Saldhiggan ayaa noqon doona kii u horeeyay ee Turkiga ka dhisto Afrika, waxaana dhismaha saldhiggan ku baxay malaayiin dollar.

Waxaa lagu wadaa in lagu xareeyo ciidamo gaaraya illaa 1,500 askari, halkaasoo lagu tababari doono, saraakiil ka socota Turkiga ayaa ka qeyb qaadan doona tababarka Ciidamada oo noqon doona markii u horeysay ee uu Turkiga gudaha Soomaaliya ku tababaro ciidamo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka