Video:-Turkiga oo si rasmi ah xarrigga uga jaray saldhig militari kii ugu weynaa ee ay dalka dibaddiisa ku yeelato

Dowladda Turkiga ayaa maanta si rasmi ah xarrigga uga jartay saldhig militari kii ugu weynaa ee ay Turkiga dibaddiisa ku yeelato, kaas oo ay ka dhistay magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Hulusa Akar oo xafladdii furitaanka ka qeyb galay ayaa si wada jir ah saldhiggan xarigga uga jaray.

Munaasabad xarig-jarka waxaa lagu qabtayg saldhiga oo ku yaalla deegaanka Jaziira, waxaana Munaasabadaas sidoo kale Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeyaha.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa sheegay in talaabadani ay fursad u tahay inuu soo noqdo ciidankii Somalia oo, sida uu sheegay, loo yaqaanay “libaaxyada Afrika”. Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Somalia ay ku socoto jidkii dib u soo celinta qaranimadii Somalia.

Taliyaha guud ee ciidamada Turkiga, Hulusi Akar ayaa isna sheegay in saldhigani uu dabooli doono baahida loo qabo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomaaliya yeelato.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa dhinaciisa sheegay in dhismaha xarunta iyo tababarida ciidanka ay la socon doonto ciidanka oo loo qalabeeyo.

Saldhiggan oo ku fadhiya dhul baaxadiisu dhantahay afar KM oo isku wareeg ah ayaa waxaa ku dhex yaalla sadex dhismo oo ay ciidamadu deggan yihiin iyo xarumo tababar.

In ka badan 200 oo askarta Turkiga ah ayaa xeradaasi ku tababari doona halkii marba askar ka badan 1,500,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad