”Xog waran Nidaamka Dowliga ah Ee Puntland Oo Kooban.”

Sida la wada ogsoonyahay dowlada puntland ee somaliyed waxaa la asaasay sanadku markuu ahaa 1998 dii,markii ay dawladii dhexe burburtay dalkana uu dagaal sokeeye ka dilaacay waxaa somaliya si daran u saameeyay burbur,kala go’go iyo fawdo waxaana la waayay oo meesha ka baxay hanaankii dawladnimo iyo dareenkii wadaninimo waxaana si dhab ah u suulay astaamihii qaranimo ee uu lahaa wadanka somaliya waxaana luntay gabi ahaanba sumcadii iyo sharafkii ay ku lahayd somaliya dawladaha caalamka.
 
Dagaaladii sokeeye ee wadanka ka qarxay waxay shacabkii badeen qax iyo barakac aad u wayn waxaa muuqatay rajo xumo ku aadan midnimadii, qaranimadii iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ummada soomaaliyeed.
 
Shacabka reer puntland oo cuskanaya dhaqan soo jireen ah isla markaana ay kasmo siyaasadeed iyo fikrado horumarineed hagayaan wuxuu ku talaabsaday curinta hannaan maamul oo bulsha waynta goboladaan daadihiya waxaana lagu guulaystay dhismaha dawlada puntland ee somaliya oo astaynteeda looga gol lahaa
 
dhismaha maamul ku hawlgala xaqiijinta himilooyinka shacabka reer puntland ee ku aadan arrimaha bulshada, dhaqaalaha,nabadgalyada iyo dhaqanka.
dhaqan-gelinta barnaamij ku aaddan dimoqraadiyeynta maamulka iyo nidaamka is-xukunka dadwaynaha.
ka-hawlgalka dib u heshiisiinta qaran ee ummadda soomaaliyeed.
baadi-goobka qarannimadii iyo midnimadii ummadda soomaaliyeed iyo hirgalinta hannaan federal system ah oo ay soomaaliya ku dhaqanto puntland na ay qayb ka tahay.
Mabaadi’da,aragtida siyaasadeed iyo ujeeddooyinka muddada dhow/dhexe iyo tan fog ee puntland waxaa lagu qeexay si cadna loogu fasiray dastuur si dhab ah uga turjumaya kana jawaabaya rabitaanka iyo dareenka shacabka puntland.
 
Caasimada puntland
 
Garoowe waa caasumadda dowlada puntland ee somaliyeed, garoowe ayaa waxay soo martay maraxalado kala duwan. Haatanna waxay maraysaa heerkeedi ugu sarreeyay. Magaalada ayaa xarun u ah hay’ado dowliya iyo kuwa aan dowli ahayn,qunsuliyado,ururo maxali ah , kuwa ngo ah,radio stations,tv iwm. Garowe waxaa ku yaal meelo aad iyo aad u qurxoon suuqaq iyo bacadlayaal aad iyo aad u camiran jawiga ayaa had iyo jeerba ah mid aan qabow saa’ida iyo kulayl saa’ida midna lahayn qorraxda ayaa inta badan waxaa ku dahaaran cadar iyo daruuro. Garowe waxaa kunool dad kor udhaafaya 527,300 waxaa lagu tilmaamaa magaalooyinka ugu kobaca badan soomaaliya.
 
Dhismihii dowlada puntland
 
Ka dib markii wadatashiyo badan ay yeesheen isimada,siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolada puntland, ayaa waxaa la go’aansaday in magaalada garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay kaasoo ujeedadiisu ay ahayd in la dhiso dawlada puntland.
 
Shirkaas waxaa ka soo baxay sanadkii 1998 dii, dowlada puntland, taasoo leh sadexda awoodood oo kala ah, golaha wakiilada oo ka kooban 66 xilibaan, garsoorka , iyogolaha xukuumada oo leh madaxwayne iyo madaxwayne ku-xigeen.
 
Sida uu qeexayo xeerkii 1aad, ee axdigii ku meel-gaarka ahaa ee lagu dhisay dawlada puntland.
 
Qaab dhismeedka xukuumadda puntland.
 
Dawlada puntland waxay leedahay sadex awoodood oo dawli ah
 
Golaha xukuumada,golaha wakiilada iyo golaha garsoorka.
 
Golaha xukuumada:-
 
Golaha xukuumadu waxa ay ka koobanyihiin madaxwaynaha, madaxwayne k/xigeenka iyo golaha wasiirada.
 
Golaha wakiilada:-
 
Awooda xeer dajinta waxaa leh golaha wakiilada, oo dhan 66 xildhibaan kana wakiil ah dhammaan gobolada puntlanad.
 
Golaha wakiiladu waxay dhexdooda ka doortaan gudoomiye/afhayeen iyo labo ku xigeen.
 
Gudoomiyaha/afhayeenka golaha wakiiladu wuxuu maamulaa kal fadhiyada golaha isla markaana hubiyaa tixraaca dastuurka, ku xigeenadu waxay gudoomiyaha/afhayeenka ka caawiyaan gudashada xilkiisa.
 
Golaha wakiiladu waxay leeyihiin gudiyo daba gal ku sameeya xukuumadu sida ay u fuliso adeega bulshada.
 
Golaha garsoorka:-
 
Golaha garsoorku wuu ka madax banaan yahay, golaha xukuumada iyo golaha wakiilada.
 
Waxa uuna ka koobanyahay sadex qaybood oo kal ah
 
maxkamada sare,
maxkamada racfaanka,
maxkamada darajada hoose.
Gudomiyaha garsoorka ee maxkamada sare oo ah tan ugu saraysa, waxaa magacaaba madaxwaynaha, waxaana ansixiya golaha wakiilada.
 
Madaxwayneyaashii soo maray dawlada puntland.
 
AHU c/laahi yuusuf axmed:-
Madaxweynayaashii dawlada puntland soo maray waxaa ugu horeeyey (AHU) madaxwayne c/laahi yuusuf axmed.
 
Waxaa xusuus mudan inuu soomaaliya ka soo noqday taliye sare intii aysan soomaaliya bur-burin, isagoo labo dagaal oo ay soomaaliya la gashay dawlada ethiopia ka mid ahaa hogaamiyeyaashii ciidankii soomaaliya , bilad sharafna ku qaatay, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee ay puntland yeelato, ugana gudbay madaxweyne soomaaliya, isagoo awoodii iyo maskaxdii uu la yimi dowlada federaalka ah ee uu xukunkeeda qabtay kala yimi puntland.
 
Waxyaabaha lagu xusuusan karona inkastoo aan lasoo koobi karin waxaa kamid ah.
 
Dhisidda haykalka guud ee dawlada puntland.
Dhisida qaybaha kala duwan ee ciidanka sida:- daraawiishta, police-ka, asluubta iyo sirdoonka.
Sugidda amniga gobolada puntland oo dhan.
Soo afjarida colaadihii soo maray puntland 2001 ilaa 2003.
2. Maxamed cabdi xaashi:-
 
Maxamed cabdi xaashi, wuxuu puntland ka noqday madaxweyne iyo madaxwayne kuxigeen,wuxuuna xilka madaxwayne nimada hayay wakhti kooban, waana masuul sharaf iyo magac wayn ku leh deegaanada puntland.
 
Waxyaabaha lagu xusuusan karona waxaa kamid ah
 
Hirgalinta doorasho guud mudo yar oo kooban.
Isaga oo ku qancay doorashadii lagaga guulaystay si dimuqraadiyad ku jidhana xilka ugu wareejiyay madaxwayne cade muuse xirsi boqor.
3. Gen.maxamuud muuse xirsi:-
 
Gen. Cadde muuse xirsi, wuxuu ahaa saraakiishii soomaaliya ugu wanaagsanayd dhanka aqoonta , intii uu madaxwaynaha dawlada puntland ahaa waxa uu qabtay waxyaabo muhiim ah oo la taaban karo waxaana kamid ahaa
 
Dhisida airprt-ka magaalada ganacsiga puntland ee bosaso.
Dhisida maxjarka magaalada ganacsiga puntland ee bosaso.
Waxka qabashada arimaha bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka iyo soo saarida shidaalka puntland isaga oo madaxwaynuhu heshiisyo la galay shirkado mustaqbalka soo saara shidaalka puntland.
Taageerida dawlada federal-ka ah ee soomaaliya, isaga oo siiyay taageero ciidan, mid dhaqaale iyo waliba mid niyadeed si loo helo dawlad dhexe ee soomaaliyeed.
C/raxmaan sheekh maxamed faroole:-
C/raxmaan faroole waxa uu bangiyadii soomaaliya ka soo qabtay jagooyin sare oo gaarsiiasan illaa agaasime guud bangigii dhexe ee soomaaliya, sanadkii 2009 kii waxa uu ku guulaystay madaxwayne nimada dawlada puntland, wuxuuna ku soo kordhiyey puntland horumar la taaban karo iyo in lala xisaabtamo dowlada federaalka ah ee soomaaliya puntland na ay qaybta ka tahay.
 
Waxqabadkiisii waxaa kamid ahaa:-
 
Dhisida xukuumad aqoon iyo tayo leh.
Dhamaystirka dastuurka cusub ee puntland.
Xoojinta xiriirka caalamiga ah ee u dhexeeya dawlada puntland iyo beesha caalamka.
Samaynta calan, astaan iyo hees u gaara dawlada puntland.
Xoojinta tayada ciidanka qalabka sida ee dawlada puntland.
La dagaalanka kooxaha nabad diidka ah iyo burcad badeeda.
Ka shaqaynta helida dawlad federal ah ee soomaaliyeed.
Marti galinta shirarkii garowe 1, garowe2 iyo gaalkacyo ee lagaga wada tashanayay xal u helida soomaaliya.
5. C/wali maxamed cali gaas:-
 
Waa madaxwaynaha iminka talada haya ee dawlada puntland waxa uuna raysal wasaare kasoo noqday dawlada federal-ka ah ee soomaaliya isaga oo gaarsiiyay soomaaliya horumar la taaban karo kana saaray dawlada federal-ka ah nidaamkii kumeel gaarka ahaa.
 
Waxyaabaha la filayo inuu waxka qabto waxaa kamid ah:-
 
Xoojinta nabad galiyada iyo dib u dhiska xarumaha amaanka.
Dib u heshiisiinta, cadaaladda iyo dimoqraadiyadda.
Ganacsiga, dhaqaalaha, dhiiri galinta maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Horumarinta arrimaha bulshada, caafimaadka iyo waxbarashadda.
Maamul wanaaga, isla xisaabtanka iyo la dagaalankamusuq-maasuqa.
Himilada ay higsanayso dawlada puntland.
 
Himilada dawlada puntland waa taaba galinta, nidaam dawladeed oo ku dhisan wadatashi, sinaan, caddaalad iyo bulsho waafaqsan shareecada islaamka, una horseedi kadha dadkeeda nabad, xasilooni waarta iyo horumar dhinac walba ah, oo ku jihaysan kor u qaadida heerka nololeed ee dhammaanba muwaadiniinta reer puntland, iyo ka qayb qaadashada inay dhammaan himilooyinkaas gaaraan dadka soomaaliyeed oo dhan.
 
Eng.Sulaiman Issa.