Khasaaro ka dhashay weeraro ka kala dhacay Canada iyo Fransiiska

Booliska magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof oo uu kujiro sarkaal katirsan ciidammada booliska lagu dhaawacay weeraro loo maleynayo inay yihiin fal argagixiso.
 
Weerarka hore ayaa waxaa la sheegay in nin watay baabur uu jiirsiiyay saldhig ay leeyihiin ciidammada booliska, kahor inta aanu toori ku weerarin askartii halkaasi joogtay. Ninkan oo aan heybtiisa la aqoonin ayaa ka baxsdaay goobta.
 
Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in calanka madowga ee lagu yaqaano kooxda isugu yeerta khilaafada islaamka ee Daacish lagu arkay goobta uu weerarka ka dhacay.
 
Saacad kaddib baabur nooca baska oo xowli ku socda ayaa la jiirsiiyay afar qof, waxaana wararku sheegayaan in ninka looga shakiyay weerarkani ay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka ee wadanka Canada.
 
Warbaahinta gudaha ee dalkaasi na waxaa ay kusoo warrantay in isla ninka ciidammadu ay qabteen uu yahay midka geystay weerarkii hore.
 
Dhanka kale laba dumar ah ayaa lagu dilay goob laga raaco tareenada oo ku taalo magaalada dekedda leh ee Marseille ee dalka Fransiiska.
 
Ninka weerarka geystay oo loo maleynayo in uu kasoo jeeda waqooyiga qaarada Afrika ayaa markii dambe waxaa dilay ciidammada booliska.
 
Ninkan ayaa markii uu weerarka geysanayay waxaa la sheegay in uu ku dhawaaqayay ”Allahu akbar”.
 
Booliska dalkaasi waxaa ay weerarkani ku tilmameen fal argagixisanim. Waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in wasiirka arrimah gudaha ee Fransiiska uu gaaro magaalada uu weerarka ka dhacay.