Talyihii Ciidamada Ilaalada Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo la dilay

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Gudaha Garoonka Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Taliyihii Ciidamada Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Col. C/salaan Sanyare Cowke iyo Askari kale oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Garoonka.

Dilka ayaa la sheegay inuu geystay Askari ka mida Ciidamada Puntland ee Ilaaliya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo,waxaana Askarigaas uu Rasaas ku furay Taliyaha Dhintay iyo Ciidamo la socday,iyadoo Rasaastu ay sababtay in ay ku dhintaan Taliyihii Ciidamada Garoonka Gaalkacyo ee Puntland iyo Askari kale,waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ka mida Ciidamada Puntland.

Illaa hadda lama oga Sababta keentay Dilka uu Askarigu u geystay Taliyaha iyo Askariga kale.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo,waxaana la Xanibay Dhaqdhaqaaqa Garoonka.

Bilayska ayaa xiray dambiilaha waxayna bilaabeen baaritaan ku saabsan dhacdada, Sida ay Wakaaladda Reuters ka soo Xigatay Maxamed Jaamac, oo ah sarkaal bilays oo ka shaqeynayay madaarka Gaalkacyo.