Video:-Madaxweyne Gaas oo Bosaso xariga kaga jaray Suuq cusub

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 October 2017  magaalada Boosaaso xadhiga kaga jaray suuq ganacsi oo casri ah oo magaaladaasi laga hirgelyey.

Xadhig jarka suuqani cusub ee New Bosaso Market ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, taliska qaybta gobolka Bari iyo qaar kamid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn boqaadiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta suuqani cusub gaar ahaan dawladda Jaban oo bixisay kharashka ku baxay mashruucani iyo weliba hay’adda UNOPS iyo degmada Boosaaso oo ka qayb qaatay qalabaynta Mashruuca, iyo shirkadda Albashid oo dhistay dhismaha mashruuca, islamar’ahaantaana waxaa uu Madaxweynuhu xusay in qaabka loo dhisay loona qalabeeyey suuqani cusub uu yahay mid wax ku oola oo ay mustaqbalka u’aayidoonaan bulshada magaalada Boosaaso, dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo ganacsatada suuqani agaasimidoona in goobtani sida ay maanta tahay lagu hayo oo lagu illaaliyo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka