Dhagayso:-Camey”Shirka Kismaayo waa kasoo horjeednaa mana jiri karto cid Puntland ku matali karta”

Eng. C/Xakiin Cumar Cameey Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in aysan Puntland ka qeyb gali doonin Shir uu madaxweynaha Jubbaland uu ku dhawaaqay,kaas oo ku aadanaa in Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ay iskugu tagaan magaalada kismaayo.
 
Madaxweyne Camey ayaa sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo shirkaasi ka dhacaya magaalada Kismaayo,Islamarkaana aysan jirin cid Puntland ku matali karta oo tagi karta Shirkaas.
.
“Shirka Kismaayo ee Axmed Madoobe ku baaqay, shirkaas ra’yi ahaan ma ahan shir Masalaxad u haya Umadda Soomaaliyeed, waxaa ku talinayaa in shirkaas dib loo dhigo”ayuu yiri C/xakiin Camey.
 
Waxaa uu sheegay in wadada shirkaas loo marayo uu yahay wado qaldan, isla markaana aysan jecleysan doonin shacabka Soomaaliyeed, waxaa uu tilmaamay in hadii ay jiraan waxyaabo lagaga cabanayo dowladda Federaalka in aan loo kala turjumin wixii jira si toos loo abaaro.
 
“Xamar ayaa la isugu tagi jiray, awalna la tagi jiray, marinka loo marayo shirkaas waa marin qaldan, wixii khilaaf ee jira halaga wada hadlo, hadii ay jiraan wax lagaga cabanayo la inoo kala turjumi maayo anaga iyo dowladda Federaalka, waa inaynu si toos u abaarnaa, xamar la isugu tagaa, sida awal”ayuu yiri C/xakiin Camey.
 
Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne kuxigeenka Puntland Mr Camey ayaa khilaafaya wareysi uu Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu siiyay Idaacada VOA, kaasoo uu ku soo dhoweeyay shirka uu ku baaqay Axmed madoobe, kuna tilmaamay inuu yahay ra’yi wanaagsan in la isku yimaado, la wada hadlo, wixii ka dhaxeeya dowlad goboleedyada ay ka wada hadlaan.
 
Madaxweyne Camey ayaa sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo shirkaasi ka dhacaya magaalada Kismaayo,Islamarkaana aysan jirin cid Puntland ku matali karta oo tagi karta Shirkaas.
 
Madaxweynaha Jubbalanad Axmed maxamed islaam Axmed Madoobe ayaa Todobaadkii Tagay Sheegay in Shirkan uu ka furmayo Magaalada kismaayo,isamarkaana looga hadli doono Arimaha Khilaafka Wadamada khaliijka,hoos ka dhagayso codka Camey.
Halkan ka dhagayso codka Camey