Madaxweyne Farmaajo oo safar ugu anba bixi doona Dalka Sudan

Wafti horudhac u ah Madaxweynaha Somaliya ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u sii socda dalka Sudan, si ay bari qayb uga noqdaan wafdiga Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweynaya.
 
Farmaajo ayaa ujeedka Socdaalkiisa lagu sheegay ka jawaabista dalab martiqaad ah oo kol hore uga yimid dhanka Dowladda Sudan, wuxuuna halkaasi kula soo kulmi doona madaxda dalkaasi.
 
Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya ayaa sidoo kale la soo kulmi doona Jaaliyadda Somaliyed ee dalkaasi Sudan, oo haddaba ku hawlan soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ee Beri oo Arbaco ah tagaya dalka Sudan.
 
Farmaajo ayaa muddooyinkii dambe wuxuu booqasho ku maarayay dalal ka tirsan kuwa Gobolka oo Somaliya xiriir dhaw ay la leedahay,inkastoo safarada tirada badan ee madaxweynaha ay yihiin kuwo aan wax badan kasoo bixin.