Madaxweyne Farmaajo iyo waftigisii oo gaaray Dalka Sudan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Gaaray Khartuum Suudaan.
Madaxweynaha soomaaliya maxamed Cabdulahi farmaajo iyo waftigiisa ayaa hada ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada khartuum.
 
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadan doonta muddo labo maalmood ah, waxaana soo dhoweynta madaxweynaha qeyb ka qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Suudaan.
 
Madaxweynaha ayaa intuu ku sugunyahay dalka suudaan aya kulamo la.qaada doona dhigiisa dalkaas Labada madaxwayne ayaa kulankooda uga wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dal,waxbarashada, dhaqaalaha, xanaanada xoolaha,beeraha,isboortiska taasoo sii xoojin doonta xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan .
 
Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagayo wadanka Suudaan, booqashadan oo rasmi ahna waxay qaadanaysaa muddo labo cisho ah.