Madaxweyne Farmaajo oo u anba baxay Dalka Sudan

Madaxweynaha J. F. S. Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo wafti uu hogaaminayey ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda dalka Sudan.

 Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka uu gaaro Sudan uu kulamo la qaato madaxda dalkaasi. iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dal iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka uu ku aaday Sudan ku wehlinaya xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Booqashada madaxweynaha ayaa la qorsheeynayaa iney qaadato muddo labo maalin ah, waxaana lagu wadaa in sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Somalida ku nool Sudan.