Sawiro:-Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kormeeray Kawaanka Xoolaha ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04 October 2017 kormeeray kawaanka xoolaha ee magaalada Boosaaso oo laga hirgeliyey dhismihiisa magaaladaasi.

Kormeerka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Kawaankan oo ah mid casri ah ayaa waxaa iska kaashaday dhismihiisa xukuumadda dawladda Puntland, dawladda Talyaaniga iyo hay’adda FOW ee qaramada mudiibey, waxaana kawaankani lagu diyaarin doonaa hilibka xoolaha sida Gella, Adhiga iyo Lo’da oo loo diyaarin doono si casriya, isla markaana waxa uu ka kooban yahay kawaankani qaybtii qalliinka xoolaha, qaybtii diyaarinta hilibka iyo qaybtii hubinta fayadhawrka neefka iyo sidoo kale qaybtii nafaqaynta neefka kahor inta aan laqallin.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kawaankani yahay mid la jaan qaadi kara kawaanada maanta ka jira caalamka ama waddamada horumaray, isagoona xusay Madaxweynuhu in kawaanakani yahay mid lagu illaalinkaro sixada shacabka magaalada Boosaaso madaama ay goobtani leeyahay qayb lagu hubinayo caafimaadka neefka iyo nadaafadiisaba kadib marka ladiyaariyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in goobtani lagaga kaaftoomi doono  qaabka maanta ay shacabka magaalada Boosaaso u isticmaalaan qalliinka ama diyaarinta hillibka xoolaha, maadaama kawaankan casriga ahi leeyahay adeegyo badan oo waxtar u leh fayadhawrka caafimaadka shacabka magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, Madaxweyanaha ayaa xaqiijiyey in xanuuno badani ka yimaadaan hilibka aan la hubin amase aan la illaalinta nadaafaddiisa ka gadaal marka la diyaariyo, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu shacabka magaalada Boosaaso ku booriyey inay isticmalaan kawaan kani say uga badbaadaan xanuunada badan ee kayimaadda fayadhawr la’aanta katimaada hillibka xoolaha oo aan loo isticmaalin qalliinkiisa goobtii ku haboonayd.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Boosaaso inay ka faa’iidaystaan kawaankani casriga ah, isla mar’ahaantana ay isticmaalaan si ay u dhawsanaato tayada hillibka la quudanayo, welibana la ilaaliyo caafimaadka hooyada iyo dhalaanka iyo bulshada inteeda kaleba .

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.