Shirkii kismaayo Oo maalinta Axada ah si rasmiya ufur midooona

Waxaa wali socda qabanqaabada shirka wadatashiga Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ee Kismaayo.
 
Shirka oo la filayay in uu maanta oo Arbaco ah furmo ayaa dib u dhacay ilaa Axada,
 
Dib udhaca shirka ayaa waxaa kalifay khilaafka wali ka taagan Maamulka Cadaado,iyadoo laysku afgartay in wakhti la siiyo xalintiisa.
 
Arimaha ugu waa weyn ee shirkna looga xaajoonayo ayaa waxaa ugu muhiimsan:-
 
1. Horumarinta Xiriirka u dhexeeya Dowlad Goboleedyada sida Iskaashiga Amniga, Ganacsiga iyo Daris-wanaagga.
 
2. Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga u Dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayadoo loo marayo Dastuurka Dalka.
 
Dawlada Fadaraalka oo markii hore isku dayday in ay hor istaagto shirkan ayaa ugu danbayntii markii ay ku filnaan wayday hor istaagiisa waxay usoo dirtay wfati ku matala oo goobjoog ka ahaan doona shirka.
 
Dhanka beesha caalmka aya ahsirkan taageertay una soo dirtay wafti sare.