Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka oo beeniyay in uu is casilayo

Secretry of State Rex Tillerson appears at news conference following a Diplomatic and Security Dialogue Meeting with a Chinese delegation including State Counselor Yang Jiechi and military Chief of Joint Staff Fang Fenghui, at the State Department in Washington, Wednesday, June 21, 2017. (AP Photo/Cliff Owen)
Rex Tillerson oo ah xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka oo todobaadkan hadalheyntiisu badnayd ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo dhawr ah.
 
Waxaa ka mid ahaa in uu si xoog ah u beeniyay warar warbaahinta kusoo baxay oo ku saabsan in uu is casilayo kadib markii ay is qabteen madaxweyne Donald Trump.
 
Tillerson ayaa teegeero mug leh siiyay siyaasadaha madaxweyne Trump, wuxuuna sheegay in uu xilka sii hayn doono illaa inta madaxweynaha uu ku kalsoonyahay shaqadiisa.
 
Madaxweyne Trump ayaa todobaadkan fariimo uu Twitter-ka soo dhigay waxa uu ku canaantay Tillerson, kuna yiri “Tillerson waqtiga ha isaga lumen wadahadalada aad kula jirto Kuuriyada Waqooyi”.
 
Warar kusoo baxay warbaahinta Maraykanka ayaa sheegayay in madaxweyne ku xigeenka Mike Pence uu soo kala dhexgalay Trump iyo Tillerson, taas oo uu beeniyay.