Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Xisaabiyihii Guud ee Qaranka

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin oo loo yaqaano Siraaji, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda.
 
Kulanka khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa xilka looga qaaday Xisaabiyaha Guud, waxaana lagu magacaabay Xisaabiye Guud oo cusub.
 
Xisaabiyaha Guud ee Cusub ayaa loo Magacaabay Haweeney la yiraado Faadumo Cusmaan Faarax oo horay Bankiga Dhexe uga soo shaqeysay.
Xisaabiyaha Guud Mr Siraaji ayaa muddo la hadal hayay in xilka laga qaadayo.
 
Golaha Wasiirada ayaa horay xil ka qaadis ku sameeyay Mas’uuliyiin xilal hayay, waxaana ugu dambeeyay Hanti dhowrkii Guud ee Qaranka Nuur Faarax oo lagu bedelay Maxamed Cali .