Video:-Madaxweyne Shariif Xasan oo si la yaab leh loogu soo dhaweeyay kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud gudoonka Baarlamaanka iyo xubno katirsan golayaasha Dowlad Goboleedka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Madaxweynaha kala qayb galay soo dhawaynta wafdiga kasocday Koonfur Galbeed oo kismaayo u yimid ka qayb galka shirka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka wafdiga Koonfur Galbeed oo horudhac u ah madaxda kala duwan ee ka qayb galaysa shirka dhawaan ka furmaya Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in uu rajaynayo in shirkaas uu miro dhalo isla markana uu muhiim u yahay Soomaaliya wax badan oo jirana lagu dhamayn doono.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in gogoshan ay tahay mid wada hadal oo lagaga shaqaynayo sidii tuhunada jira loo dhamayn lahaa isla markana aanay jirin cid loola dan leeyahay ama lagu dhibaataynayo.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhankiisa bogaadiyay Jubbaland dadaalka ay ka gaysanayso nabadaynta iyo wada jirka umada isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshiyahiisa Kismaayo wax badana uu shirkaas ka rajaynayo.

Mudane Shariif Xasan wuxuu sheegay in loo bahan yahay in wixii la isku qabto xal laga gaaro oo loo soo jeesto sidii cadawga Soomaaliyeed ee dalkan ragaadiyay loola dagaalami lahaa isla markana looso celin lahaa nabadgalyadii iyo hormarkii wadanka lagu yaqaanay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka