kismaayo Oo ku jirta diyaar garawgii ugu danbeeyay ee Shirka Madaxda Somalida

Waxaa Magaalada kismaayo ka furmi doona maalinka Berri foog ah shirka Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ee Badbaado Qaran.

Shirka oo xogtii udanbaysay ay heshay idlnews ayaa waxa qorshahiisu yahay sidatan soo socota:-

 

 

1. Shirka wuxuu bilaaban doonaa maalinta Axadda ah.

2. Maalinka Beri ah waxaa tagi doona Kismaayo Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Cadaado.

3. Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa waxay tagi doonaan Kismaayo isla berrito subaxa hore.

4.Waxaa isla berri soo gaari doona madasha wafti sare oo ka socda Beesha caalamka.

5. Waxaa kaloo shirka ka soo qeybgali doona Senatarada Aqalka-sare ee Baarlamaanka fadaraalka.

Kismaayo is weyn ayaa looga diyaar garoobay,iyadoo la xoojiyay amaanka lana diyaariyay goobihii Martidu dagi lahayd.

Ilaa iyo hada ajandaha shirka waxaa ka mid ah laba qodob oo kala ah:-

B.Wada shaqaynta dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka,iyadoo la tixraacayo Dastuurka Fadaraalka.

2.Wada shaqaynta Dawldaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka iyo Dawlada dhexe,iyadoo la tixraacayo Dastuurka Fadaraalka ah.

Somaliya waxay maraysaa meel rajadu wanaagsan tahay kuwa qorshaynaya in ay dib uceliyaan oo dibindaabyeeyaan nidaamkii lasoo dhisayay ee dib usoo kabanayay 10-kii sano ee udanbeeyay laga yeeli maay