Muqdisho:-Jeneral Badmaceeye Oo Maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho aas Qaran loogu sameeyay alle ha unaxaristee Jeneral.Cismaan Shiikh Cali oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Mareykanka
 
Alle ha unaxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay General Cismaan Sheekh Cali Badmeceeye oo 05-tii bishan Ku geeriyooday Wadanka Mareykanka Saakana Meydkiisa laga soo dejiyay Garoonka Aadan-cadde ee Magaalada Muqdisho.
 
Waxaana Aaska ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare C/xaashi Cabdullaahi,Taliyaha Ciidanka Milatariga Dawlada Fadaraalka Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid iyo masuuliyiin kale.
 
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda, qaraabada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoo ALLE uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.
 
Marxuumka ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu inuu ahaa shaqsi qiimo weyn ku dhex lahaa Ciidanka Xoogga iyo guud ahaan-ba dalka.
 
Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in Marxuum Jeneral Badmaceeye uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa. Isla markaana uu kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka XDS oo nidaamka dawladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay
 
Alle ha unaxariistee Jeneral Cismaan Shiikh Cali ayaa horay u soo noqday Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Somaliya.
.