Shir looga hadlayo ka hortagga Fikirka Argagixisada oo Magaalada Muqdisho ka furmay

Shir looga hadlayo ka hortagga Fikirada waxa loogu yeero Argagixisada oo ay ka qeyb galeen Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.
 
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo Shirka Qudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Shirkaan uu daba socdo Shirkii ka dhacay Magaalada London islamarkaana ujeedkiisa uu yahay in laga hortago Falalka Kooxaha Argagixisada ay ka geystaan Gudaha Wadanka Soomaaliya,kuwaas oo Ragaadiyay Ammaanka Dalka Soomaaliya.
 
Sidoo kale Dhinacyadii ka qeyb galay Shirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo Tab ama Qaab Cusub oo lagula dagaalamo Fikirka waxa loogu yeero Argagixisada oo Soomaaliya ay hadda la daalo dhaceyso.