Daawo sawirada Furitaankii shirka kismaayo Ee Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Fadaraalka

Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka oo caawa ka furmay guriga Martida ee magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo shirka furay ayaa sheegay in shirka uusan aheyn mid ay isugu baheysanayaan dowladda Federaalka, isla markaana ujeedku yahay sidii wixii mugdi ah oo jira loo dhamayn lahaa, kadibna talo loo dhanyahay Dowlada dhexe loola tagi lahaaa.

Madaxweynaha Dawlada Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo loo doortay shir gudoonka shirkan,ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in la sameeyo siyaasad ay ku mideysan yihiin madaxda dowladaha xubnaha ka ah DawladaFadaraalka, waxaana uu tilmaamay in ujeedku ay aanu aheyn inay abuuraan dhibaato iyo kala dambeyn la’aan, balse ay ku xoojinayaan dowlada dhexe wanaaga Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Madaxda dowlad goboleedyada looga baahan yahay inay u hoggaansamaan Dastuurka oo uu xusay inuu yahay kan xalka lagu gaarayo.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka iyo dadka loo turo, isla markaana laga shaqeeyo Midnimada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa sheegay in maamul goboleedyada looga baahan yahay inay ka go’naato mowqif ay ku mideysan yihiin inay shirkan ka soo saaraan, waxaana uu meesha ka saaray in waxyaabo looga soo horjeedo Dawlada Fadaraalka ah  laga soo saarayo.

Shirka ayaa caawa ahaa furitaan oo kaliya, ayaa maalinka berri foog ah waxaa lagali doonaa ajandayaasha rasmiga ah ee shirka.