Madaxweyne Gaas iyo waftigisii Oo u anba baxay Magaalada kismaayo

Madaxweyne Gaas iyo wfati balaaran oo uu hogaaminayo ayaa wax yar ka hor u anba baxay Magaalada kismaayo oo uu ka dhacayo shirka badbaadinta Qaranka.

“tafaasiil badan ayaa laga bixiyay, waxyaabo badan ayaa laga falkiyay, laakiin runtu waxaa weeye, xaq bay u leeyihiin Dowladgoboleedyadu inay isku yimaadaan, duruufaha gaarka u ah iyo danaha ka dhexeeya iyaga, taan micnaheedu ma ah in ujeedo kale laga leeyahay, ee waa in laga wada hadlo howlaha qaranka ee socda ee uu ka mid yahay arrimaha dastuurka, awood-qaybsiga, iyo sida khayraadka loo wadaagayo” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas waa masuulkii ugu danbeeyay ee u anba baxa kismaayo,waxaana uga sii horeeyay Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur-Galbeed,Hir-Shabelle iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.