Madaxweyne Xaaf Oo goor dhawayd gaaray kismaaayo

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa si weyn magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha maamaulka aan sharciyada buuxin ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Axmed Madoobe ayaa uga hor tagay Garoonka diyaaradaha,waxaana waftiga gaaray kismaayo la socda Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaas.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya oo laga soo doortay Kismaayo ayaa sidoo kale ku sugan Magaalada,kuwaas oo la filayo in kulanka qeyb ka ahaadaan shirka Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ee looga xaajoonayo arimaha sii murgaya ee dalka.