Ra’isalwasaare khayre Oo kulan deg-deg ah la qaatay Gudiga dib U Eegista Dastuurka Fadaraalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Aqalka Sare kula kulmay guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka. Waxaana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.
 
Kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka Soomaliya.
 
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan wayso dib-u-eegista Dastuurka.
 
Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha Dastuurkana la der-gergeliyo.
 
Kulankan ayaa daba socda shirkii dib u eegsita dastuurka Fadaraalka oo ay ahayd in saakay uu ka furmo Muqdisho,balse fashilmay.
 
Guddoomiyaha Guddiga Dib U Eegista Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa War-murtiyeedka uu aqriyay saxaafadda ku sheegay in shirkaasi uu yahay mid caqabad iyo dhibaato ku ah geedi  socodka dib u eegista Dastuurka,waxaana uu uga digay Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah in ay ka qeyb galaan shirkaas.