Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Rabi ha unaxariisto Janadiina haka waraabiyo.

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Rabi ha unaxariisto Janadiina haka waraabiyo.

Xusuusta marna kama bixi doono.

1- Wuxuu noqday Hogaamiyaha kaliya ee aan laga dhaxlin Aduunyo nooc kasta oo ay tahay, aana ku tagri-falin ama adeegsan Hantida Dadweynaha ee uu marar badan soo maamulay.

2- Wuxuu ahaa nin ay ka go’antahay in uu Somalia ku soo celiyo sidii ay ahayd waqtigii uu mucaaradka noqday oo ay mar uun noqoto mid kamid ah dawladdaha ugu xooga badan.

3- Wuxuu ahaa nin dadka dhagaysta tiisana meel u taala, balse aad odayaasha iyo dadka markaas hawsha kala hadalaya qanciya, jecelna in wax kasta ay Isimaddu u noqdaan bud-dhig ama meesha ay ka bilowdaan kuna dhamaadaan.

4- Wuxuu ahaa nin aan hadalkiisu leex leexad aqoon oo wuxuu diidayana sheega…Wuxuu ogol yahayna sheega

5- Wuxuu ahaa geesi go’aan qaadasho leh, waxaana uu marar halis u galay go’aamo uu qaatay, sidda (Xabsiga dheer uu ku galay dalka Itoobiya markii uu diiday sheegashada Addis Ababa ee deegaano Soomaaliya leedahay).

6- Wuxuu ahaa nin dalka oo dhan xog rasmi ah ka haya oo meel.kasta oo nin Sargaal ah ka war haya oo ku ogaa meeshaas, lana socon jiray daruufaha ku xeeran.

7- Wuxuu ahaa nin Naxariis badan oo deeqsi ah, haddii aadan adigu markaas hawshiisa ka hor imaan.

8- Wuxuu qof Saaxiibtinimada ay ku dheerayd, lahaana Saaxiibo wanaagsan oo ay soo wada jabeen.

9- Wuxuu ahaa qof aad dadka u kala yaqaan haddii aad hadasho wuxuu soo saarayaa ama soo dhaweynayaa Aabahaa ama Awoowgaa, taas oo ku dhaxlay aqoonta u leeyahay dhinacyada Siyaasadda Soomaalida.

10- Wuxuu ahaa nin Cadowgiisa yaqaan Ciidanka u shaqeeyana ka war haya, Amniguna u ahaa mid kamid ah yoolasha uu xooga saarayey.

11- Wuxuu ahaa nin kaftan badan oo jecel qof kasta in uu qanciyo….asaga oo Waliba runta isha ka saaraya, lagumana aqoon laba-labeyn hadal.

Xigasho Puntland Times.