Shirka Kismaayo oo Guul kusoo gabagaboobaya saacado kadib”

Waxaa maalinkii sadexaad si habsi leh uga socda Kismaayo shirka Madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka.
 
Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed, waxaana Madaxdu ay labadii cisho ee lasoo dhaafay ay lahaayeen doodo aad u kul-kulul.
 
Lama oga ilaa iyo hadda qodobada leysku afgartay,balse kulamadii ugu danbeeyay ee dhacay ayaa qaarkood ahaayeen kuwo Albaabadu u xirnaayeen.
Xogaha la helayo madasha shirku ka socdo,ayaa tilmaamaya in qodobada ajandayaasha shirka u ahaa intoodii badnayd madaxdu isku raacday.
 
Galabta ayaa shirku soo afmeeramayaa lagana soo saari doonaa Warmurtiyeedka rasmiga ah ee madaxdu isku afgaratay.
 
Shirkan ayaa bulshada Somaliyed ee aadka uga niyad jabsan hogaan xumida Villa Nasiibdaro iyo huuhaada aan meel jirin ee ay shacabka ku khaldeen ay isha ku hayaan,sidoo kale waxaa aad ula socda beesha caalamka oo u aragta rajada kaliya ee wax lagu sixi karo.
 
Villa Nasiib daro iyo kooxohooda ka hawlgala Baraha Bulshada,ayaa utafaxaytay in ay dacaayado aan sal iyo raad toona lahayn ay ka faafiyaan shirka,