Video:-Melania Trump oo si kulul ugu jawaabtay xaaskii hore ee Trump

Marwada koowaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa si kulul ugu jawaabtay xaaskii hore ee madaxweyne Donald Trump oo lagu magacaabo Ivana Trump, taas oo taleefishinka ABC u sheegtay in ay iyadu tahay ‘marwada koowaad’.
 
Afhayeen u hadlay marwada koowaad ayaa sheegay in Ivana ay raadinayso caannimo, tahayna qof danaheeda ka shaqaynaysa.
Ivana ayaa barnaamijka Subax Wanaagsan ee ABC u sheegtay in ay xiriir toos ah la leedahay Aqalka Cad, balse aysan doonaynin in ay wax maseer ah dhaliso.
 
Haweenaydan oo soo saaraysa buug cusub oo ay ka qortay ninkeedii hore iyo caruurteeda, ayaa waxa ay Trump is guursadeen sanadkii 1977-dii, balse waxa ay is fureen horaantii 1990-naadkii, kadib markii Trump la sheegay in uu gogol dhaaf la sameeyay haweenay lagu magacaabo Marla Maples oo markii dambane xaaskiisa noqotay.
 
Ivana iyo Trump ayaa isu haya saddex caruur ah oo kala ah Donald Jr, Ivanka, iyo Erick Trump.
 
“Xiriir toos ah ayaan la leeyahay Aqalka Cad, balse maadaamaa ay Melania ka ag dhowdahay markasta ma woco” ayay tiri Ivana.
Waa markii ugu horeysay taariikhda Maraykanka oo ay si furan saxaafadda hadalo isu mariyaan Marwo koowaad iyo xaas horey loo furay intii madaxweyne ee Maraykanka soo maray.
Trump ka hor , Ronald Reagan oo kaliya ayaa jirey madaxweyne xaas horey usoo furay.
 
Ivana Trump ayaa sheegtay in ay iyadu korisay caruurteeda, halkaTrump uu ahaa qofka bixiya qarash kasta, balse uusan ahayn aabbe caruurta waqti la qaata “Markii ay 18 jir gaareen ayuu bilaabay in uu lasoo hadlo, wuxuuna kala hadli jiray arrimo ganacsi oo kaliya”, ayay tiri Ivana oo intaas ku dartay in Trump uusan ahayn aabbe xun,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka