Akhriso:-Warmurtiyeedkii shirka Kismaayo kasoo baxay goor dhawayd

WAR MURTIYEED

Shir wada tashi ah oo socday mudadi u dhaxaysay 08-10 Oktobar 2017. laguna qabtay Magaalo Madaxda KMG ah ee Kismaayo, Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa waxaa ka ka soo qayb galey Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gas Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Madaxweymaha Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare.
Mudadi shirku socday, waxuu Goluhu si qoto dheer uga wada tashadeen arrimo badan oo ay ka mid yihin xoojinta xiriirka Dowlad Goboleedyada, arrimaha siyaasadda, adkaynta amniga, dib u heshiinsiinta iyo hirgalinta hannaanka Federaalka.

Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen sooyaalka. taarikheed ee wadanku soo maray iyo sida aan loo aqbali karin in wadanka dib loogu celiyo degenaansho la’aan siyaasadeed iyo mid amni darro oo horseedi kara dib u dhac ku yimaadda horumarinta hannanka federalka iyo dhisdda hay’adaha dowladnimada asaaska u ah.

Falanqeyn dheer ka dib Madaxda Golaha Dowlad Goboleedyadu waxay isku raaceen.

Arrinaha Siyaasadda

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada: iyadoo la xiganayo qodobka 52aad (2) ee dastuurka qaranka oo tilmaamaya muhimada ay leedahay iskaashi ay wada yeeshaan Dowlad Goboleedyada, ayaa Goluhu wuxuu isku raacay in la asaaso Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (GMDG). Goluhu waxay Guddoomiye iyo ku xigeen u kala doorteen sannadka kowaad Madaxweymaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas (Guddoomiye) iyo Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare (ku xigeen). Golahan wuxuu ka shaqeyn doona horumarinta danaha Dowlad Goboleedyada oo ay barbar socoto dib u heshiin dhab ah oo ku salaysan heer bulsho taas oo horseedi doonta deganaan iyo xasilooni waanta.

Iskaashi: Asaaska dowlada Federalka Waxaa Saldhig u ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka oo masuul ka ah in kabadan 90% baaxada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa mahuraanah in Dowlada Dhexe la timaado siyaasad ku asataysan soodhaweyn, iskaashi iyo wada shaqayn joogta ah oo ay la yeelato Dowlad Goboleedyada si looga gudbo caqabadaha amni. siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee wadanku ku suganyahay.

Khilaafka Siyaasadeed: Wuxuu Goluhu ku adkaysanayaa in ay lagama maarmaan tahay sida ku cad Qodobka 53″ ee dastuurka Federaalka in wadatashi lagala yeesho Dowlad Goboleedyada go’aamada masiiriga ah ee sida tooska ah saamayinta ugu yeellan kara deegaannadooda, isla markaana xallinta ls-maandhaafka ka dhasha go’aanada Xukuumada Dowłada Federalka lagu saleeyo sida maslaxada shacabka Soomaaliyeed ku jirto oo ay ugu horeyso khilaafyada hada jira,

Galmudug: Sida uu qabo qodobka 50 farqadiisa g, Goluhu wuxuu ku baaqayaa in la ilaaliyo deganaashaha Dowlad Goboleedka Galmudug lagana fogaado faragalin kasta oo keeni karta burbur ku yimaada Galmudug islamarkaana khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Maamulkooda lagu dhammeeyo wada hadal iyo is qancin, iyagana looga danbeeyo xal u helidida khilaafkooda wixii taageero ah ee ay taas ku gaaarayaan laga siiyo sidoo kale Goluhu wuxuu dhirigalinyain Dowlad Goboleedika Galmudug ay dardar galiso wada hadalada kala dhexeeya Ahlusuna Wal-jamanaca ee Gobolada dhexe.

Federalleynta: Waxay walaac ka muujiyeen hab dhaqanka Xukuumadda Dhexe oo abuuray shaki weyn oo laga qabo in ay jiraan qorsheyaal iyo ku talagallo lagu wiiqayo geeddi socodika hannaanka Federaleynia, taas oo dalbaysa in wadatashi siyasadeed oo dhab ah laga yeesho arrimaha Federalayinta oo ay ugu horreyso in goo’aan laga galaro sida awoodaha iyo khayraadka loo qaybsanayo oo ilaa hadda aan aragti guud oo mideysan laga lahayn, ahna waxyaabaha hortaagan in horey loo socdo.

Dastuurka: Waxaa si cadu muuqata in Xukuumadda Dhexe ka caga jidayso in si dhab ah looga shaqeeyo arrimaha dastuuka, taas oo ay ka markhaati kacayso sida wasaarada dastuurku udajisey hannaanka hawl fulineed ee dib u eegista dastuurka oo aan ahayn mid door cad oo muuqda siinaya dowlad Goboleedyada waana taas sababta kentay in shirkii dastuurka ee la filayey in la qabto dhawaantan u u burburay. Sidas daradeed, Waxay Goluhu dalbanayaan in la abuuro guddi hawleed xubnahoodu ka koobanyihin Xukuumada Dhexe iyo Goboleedyada oo ka shaqeeya diyaarina arrimaha asaasiga ahee u bahan in si hordbac ay uga heshiyaan Dowlada
Dowlad Goboleedyada ka dibina loogudaro dastuurka.

Xeerarka: Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey xeerarka sida joogitada ah ay hayʼadaha Xukuumada dhexe u meel marinayaan iyadoo wali wax heshiis ah aan laga gaarin sida loo kala leeyahay awoodaha hawl fulineed ee labada heer ee dowladda (DFiyo DG) waana taas waxyaabaha sababaya khilaafka siyaasadeed ee soo noqnoqanaya.

Talo: Goluhu wuxuu ku talinaya in Go’aamada qaran ee masiiriga ah si daah furan loogu gaaro Goleyaasha dastuuriga ah oo ugu horeeyaan Goleyaasha sharci dejinta iyadoo mar walbana laxaq dhowrayo, doorarka hawl fullineed (ee: dastuurku siinayo Dowlda. Federalka iyo, Dowlad Goboleedyada

Doorashada 2020: Wuxuu Goluhu shaki ka muujiyeen, gaabiska iyo wadatashi la’aanta ka jirta geedi socodka hannaanka doorashooyinka taas oo durbadiiba muujinaysa hubaal la’aanta in doorasbo hal cod hal qof qabsoonto sanadka 2020. Sidaa awgeed, wuxuu Goluhu ku baaqayaa in Guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka ay soo bandhigaan hanaan iyo 1orshe hawleed wakhtiyeysan (Road map) kaasoo qeexaya sida lagu gaarayol xaqiijinta doorasho hal codi yo halqof oo waddanka ka qabsoonta 2020 islamarkaana wadatashi dhab ah lagala yeesho Dowlad Goboleedyada.

Kaalmada Caalamiga: in ka badan qiyaas ahaan 80% culayska amni, bulsho iyo dhaqaale wuxuu ku dhacaa Dowlad Goboleedyada islamarkaana 5% wax kayar ayey dowad goboleedyadu ka helaan kaalmada caalamiga ee dowłada dhexe soo gasha waxaana tusaale u ah in 10 000 ee guri oo dowladda Turkigu ku deeqday aysan Dowlad Goboleedyadu ka helin hal Guri iyadoo baahida ugubadan ay taallo Gobolada.

ARRIMAHA AMINIGA

Wuxuu goluhu nasiib darro ku tilmaameen in khilaafka siyaasadeed ee jira uu keenay in laga mashquulo arrimihii amniga iyo ka xoreynta dalka xoogagga nabad diidka ah, fursadna siiyey inay sii kordhiyaan xasuuqa iyo go’doominta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed taas oo masuuliyadeeda ay leedahay Xukuumadda Dhexe.

Wuxuu Goluhu isla qiray in uu jiro habac iyo hoos u dhac sii kordhaya oo ku yimid arrimaha amniga taas oo ay ugu wacan tahay iyadoo sida ciidanka difaaca qaranku u qaabaysan yahay aysan ahayn mid dhiiri galineysa in si wadajir ah oo xiriirsan loo wada hawl geliyo ciidanka Qaranka ee Dowladd goboleedyada ku sugan maadaama  ay kala hoostagaan hogaamo kala duwan iyagoo hal Dowlad goboleed wada jooga. Sidaas darteed, wuxuu Goluhu dalbanayaa in la dardar galiyo fulinta heshiiskii Amniga Qaranka oo qeexaya in qaybaha ciidamada lagu saleeyo xuduudaha Dowald Goboleedyada si hawgalada ciidanka ee ku aadan sugidda amniga uu u noqdo mid miro dhal ah.

Culeyska amniga gudaha in ka badan 80% wuxuu ku dhacaa Dowlad Goboleedyada hadana wax ka yar 5% ayaa kaga soo aada kaalmada caalamiga ee ku aadan arrimaha amniga. Sidaas darteed wuxuu Goluhu ku baaqayaa in si isu dheelitiran loo qaybiyo kaalmada caalamiga ah ee ku aadan arrimaha amniga.

Go’aan: Kadib markii uu Goluhu qiimeeyey qrsheyaasha Dowladda Dhexe ee ku aadan arrimaha federaalaynta, dib u eegissta Dastuurka iyo meel marinta xeerarka oo dhamaantood sida loo wado ay ka soo horjeedo hannaanka Federaalka, Goluhu wuxuu go’aamiyey in si kumeel gaar ah loo hakiyo dhammaan hawlaha la xiriira xiriirka xeerarka iyo dib u eegista dastuurka ee hay’adaha Dowlad Goboleedyadu la wadaagaan Hay’adaha Dowladda Dhexe si fursad loo siiyo  in go’aan kama danbeys ah oo siyaasadeed laga gaaro sida loo wadaagayo kheyraadka iyo awoodaha hawl fulineed ee dalka isla markaanasna wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in Dowlad dhexe iyo Dowlad goboleedyadu wada hadal dhab ah ka yeeshaan ka gun gaarista arrimahan.

Mahadcelin: Waxay si wadajir ah Madaxda Dowlad Goboleedyadu ugu mahad celinayaan, dalalka ciidamada nabad ilaalinta ku taageeray Soomaaliya, Deeq bixiyaasha, Qaramada Midobey, saaxiibada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah oo dhamaantood gacan wax ku ool ka geysta badbaadinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale u mahad celinayaan Madaxweynaha, Dowladda iyo shacabka reer Jubbaland oo fidiyey gogosha martigelinta taariikhiga ah ee wadatashiga madaxda Dowlad goboleedyada Soomaaliyeed.

Baaq: Waxay ku baaqayaan in la dardar galiyo tayeynta, xoojinta, qalabeynta iyo tababarka ciidanka Soomaaliyeed si ay awood ugu helaan in ay sugi karaan Amniga waddanka. Sidoo kale waxay dareen adag ka muujiyeen qorshaha lagu yaraynayo ciidamada AMISOM ka hor inta aysan Soomaalidu diyaar u noqonin in ay la wareegi karaan sugidda amnigooda taas oo haddii ay dhacdo dib u dhac ku keeni doonta amaanka iyo xasiloonida dalka. Sidaas darteed, Goluhu wuxuu ku baaqayaa in la kordhiyo tirada ciidamada nabad ilaalinta AMISOM si loo xaqiijiyo xoreynta deegaamada wali ku jira gacanta nabad diidka.

 

 

 

 

 

 

 

Halkan Ka Akhriso War-murtiyeedkii oo Dhamaystiran