Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah D.Fadaraalka oo ka anba baxay kismaayo

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa markii uu ka degay Boosaaso ayaa hadal uu siiyay Warbaahinta waxaa uu sheegay in shirkaas uu ahaa mid jawi wanaagsna ugu soo dhamaado, isla markaana lagu sameeyay madal ay wadaagaan dowlad goboleedyad,a taasoo uu tilmaamay in muddo laga fikirayay.
 
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si kala duwan Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka ahuga soo sagootiyay Magaalada Kismaayo oo dhawrkii cisho ee udanbeeyay ay ku lahayaeen kulan wadatashi.
 
Madxaweynayaasha Puntland,Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa kasoo anba baxay Kismaayo
 
Madaxweyne Gaas ayaa ka dagay bosaso si weyna waxaa ugu soo dhaweeyay shacabka iyo xukuumada Puntland.
 
Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan ayaa isna ka dagay magaalada Baydhabo, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.
 
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna ka degay Cadaado,
 
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,ayaa isagu gaaray Muqdisho.