Maqaal: Dalku waa wadaag.WQ.Deeq Cali Hayaan.

Madaxwayne Farmaajo Maahan Kim Jong-un,Ra,iisal Wasaare Khayrena Ma ahan Fidel Castro,Gudoomiye Jawaarina ma ahan Mugabe.
Dalkeena Colaad sokeeye iyo Mid shisheeye ayaa saameen ku yeeshay,Waana in Dowlada ay xeerisaa Dhibka Dalka soo marey oo ay ka mid tahay:
 
Qabiil la isku so dagaalay 27sano
Ganacsato 27 Sano Dhiig Miirad ah
Argagixiso Dalka kusoo duushay.
 
Hadaba intaas oo jira awgood waa in dowlada la timaada siyaasad Baaxad weyn oo Wadaag ah,
 
Xukuumadu waa in Halkubeeg siyaasadeed ay Leedahay waa inay Dhamaan Qabaa,ilka soomaaliyeed ka kooban tahay iyadoo la Tixgalinayo Hal kubeegyo kale oo dhinaca Farsamada la xiriira.
 
Waa in laga fogaada waxyaabaha keenaya in Bulshada ceebo la taaban karo mar labaad ku dhacda sida tii Qalbi Dhagax oo kale,Madaxduna aysan ku Mashquulin Difaaca Ceebahaas iyo U Qiil dayidooda.
 
Waa in madaxdu lahaadaan go an qadasho oo aan yeelin rabitaanka koox gaar ah, saamaynta reerkiisa iyo fara galin. Jilicsan oo u jilicsan is badallada ay keensanayso siyaasadu, lana jaanqaadi kara, fahamsan cidda xiriirka u baahan ee Dalka Muhiimka u ah in La Dhowro SHurruudaha ku Cad Dastuurka iyo in lagu dhaqmo Qodobada dalka u degsan.
 
Madaxda somalia waa in ay ogaadaan in ay Madax ka yihiin Dowlad Fedaral ah oo wadaagid Dowladnimo ka muuqato iskana dhowraan waxyaabaha lagu xamanayo ee ah in aysan aqoonsaneen faderaalnimada iyaga lagu soo doortey.
 
Casumaada Madaxda;Waa Bisayl Siyaasadeed in iyadoo siyaasada la isku diidan yahey hadana Laga wada shaqeeyo Danta,Dalka,Dadka iyo Diinta,
 
Madaxwaynaha iyo Ra,iisal wasaaraha Waa in Wada shaqeen Dhex martaa Madaxda Dowlad Goboleedada taas ayaa soo dhoweynaysa Rajadii Umada Soomaaliyeed, si ay uga wada hadlaan masiirka Dalka si Guud
 
Ugu Danbeentii Waxaa Muhiim ah in aan ogaano in Dalka uu leeyahay Hal Dowlad iyo Hal Calan kaas waa in lagu wada qancaa.
 
Waa Mahadsantihiin.
 
Qore Deeq Ali Hayaan(Norway Moss)