Wasaarada Maaliyada Puntland Oo maanta gubtay lacag fara badan oo Xamar laga keenay

Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Bangiga Puntland ayaa maanta gubay lacag shilling Soomaali faalso ah taasoo ay dhawaan qabteen Ciidanka Kontoroolka magaalada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Carshe(Abdullahi Arshe Wasiirka Maaliyadda) oo weheliyaan maamulka gobolka,Maamulka Bangiga,Agaasimayaasha Wasaaradda ayaa goobjoog ka ahaa gubista lacagtan.

Lacagtan sida uu sheegay maamulaha Bangiga Boosaaso Muuse Aw Xuseen waxay dhan tahay 600,500,000(Lix boqol oo milyan iyo shan boqol oo kun) Sh.so taasoo Puntland uga timid dhanka gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.