Wasiirkii Gaashaandhiga Dawlada Fadaraalka Somaliya oo iscasilay

Wasiirka Gaashaandhigga dawlada Fadaraalka Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhaw iska casilay xilkii uu hayay.

Wasiirka ayaa maanta kulankii golaha wasiiradda xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ka hor sheegay in uu xilka iska casilay, waxaana uu ka codsaday gollaha wasiirada in ay ka aqbalaan is casilaadiisa.

Iscasilaada Wasiirka ayaa ka danbaysay sida xogaha hoose sheegayaan is qabad isaga iyo Rw Khayre u dhaxaysay oo maalmahan soo jiitamayay.

Dawlada Khayre hogaamiyo ayaa kusii socota wadada faashilka,iyadoo ay sii yaraanayso kalsoonida shacabku ay kaga qabaan sida ay ugudan karto waajibaadka loo igmaday.