Laamaha amaanka Puntland oo qabqabtay kooxo qaswadayaal ah

Xubaha la xiray waxaa ka mid ah Dr. C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo xilal kala duwan Puntland, ka soo qabtay.
 
Daahir Ciiro oo horay u noqday Xildhibaan Dowladii Federaalka KMG aheyd ee Soomaaliya, Ganacsade Duni Maxamed Guulato iyo Faysal Faarax Cali.
 
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Farawayne ayaa oo aan taleefoonka kula hadlalnay ayaa sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyey Gudiga nabad Galyada gobolka Nugaal isla markaana ay ku eedaysan yihiin khalkhalgalin Amniga iyo xasiloonida Puntland .
 
Shacabka Puntland ayaa intooda badan dareenkooda ku muujiyay in ay soo dhaweeyeen talaabada dawladu ka qaaday kooxdan la baxday samata bixinta Puntland.
 
Kooxdan ayaa u badan kuwo ay balwadi dilootay una baahnaa nashaso iyo daryeel,waxayna dadku isla dhexmarayaan in xarigan ay iyaga dan u yahay.