Madaxweyne Gaas iyo shacabka Bosaso oo maanta wada jimcaystay

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo jimce ah gelinkeedii danbe  13 October 2017 kormeer ku tegey xarunta dalxiiska iyo nasashada Maandeeq ee magaalada Boosaaso, waxaana Madaxweynaha  ku wehelinaayey kormeer kaasi saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa markuu soo gaadhay xarunta maandeeq ee magaalada Boosaaso soo dhexmaray dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay xaruntaasi, waxaana uu Madaxweynuhu wakhtisiiyey qof walba oo  ku sugnaa halkaasi, isagoona kala kulmay muwaadiniinta halkaasi ku sugnaa farxad, soo dhoweyn, weji furan  iyo hadalo aad u dabacsan oo ka turjumayey sida Madaxweynaha dawladda Puntland iyo xukuumaddiisuba ay markasta shacabkeeda ugu dabacsan yihiin ugana horumariso adeegyada bulshada iyo kaaba yaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala kulmay xaruntaasi dhacdo aad u caajiiba taas oo ahayd wiil qiyaas ahaan da’diisu ahayd 7 jir, waxaana uu Madaxweynaha su’aalay sidan ‘ Madaxweyne in badan baan ku raadinayey inaan ku arko, waxaan kaa arkaa warbaahinta’ Madaxweynaha ayaa ugu jawaabay inankii yaraa sidan ‘ waykan adeer maanta waan kula joogaa, aragtidaadana waan ku faraxsanahay’.

Kormeerka Madaxweynaha ee xarunta nasashada iyo dalxiiska ee Maandeeq ayaa kusoo aadantey  maanta oo jimce ah gelinkeedii danbe oo ay joogaan shacab aad u tiro badan oo uyimi inay xaruntani wakhti ku qaataan, isla markaana ay ku nastaan iyaga iyoo eheladooda maadaama ay tahay maanta maalin nasasho.

Xarunta dalxiiska iyo nasashada ee Maandeeq ayaa waxaa hirgeliyey dhismeheeda xukuumadda dawladda Puntland, waxaana y dawladdu ku wareejisey maamulka iyo maaraynta xaruntani hay’adda khayriga ah ee tadaamur.

=DHAMMAAD=