Soomaalida qurbaha iyo ka qayb-galka siyaasada dalka Sweden

Wixii ka dambeeyey bur-burkii dawladii dhexe 1991, Soomaali badan ayaa ku barakacay dalka gudihiisa iyo banaankiisa. Marka laga soo tago, dayaca badan ee Soomaalidaas kasoo food saaray qaran-jabkii kadib, hadana waxaa jiro fursado iyo guulo mar walba garab socday  gaar ahaan Somalidii qurbaha u baxday. Waxaan muran ka jirin in taageerada maaliyadeed iyo maskaxeed ee Somalida qurbuhu’ ay door mugleh ka qaadatay dib-u-dhiska dalka Somaliya – dhan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Intaas, waxaa dheer, kororka mugleh oo ka muuqday heerka  ka qayb-galka qurba-joogta ee siyaasada dalalka ay ku nool yihiin  gaar ahaan wadamada reer-galbeedka oo xilal iyo mansabyo kala duwan ay ka hayaan, kuwaas oo gaarsiisan heer wasiir, mid xildhibaan-nimo, iyo dawladaha hoose. Dalalka ay shaqsiyaad Soomaali ahi’ kasoo dhex muuqdeen siyaasadooda waxaa safka hore kaga jira dalalka Canada, USA iyo Sweden IWM.

Saan-qaadka noocaas ahi, wuxuu Soomaalida usoo jiiday amaan iyo bogaadin weyn gudaha iyo banaankaba ka imaanaysay, iyadoo hoosta ka xariiqday kartida iyo dadnimada ay dunta Soomaalimido leedahay. Dhanka kale guulaha ay shaqsiyaad soomaali-ahi kasoo hoyiyeen kasoo muuqashada saaxadda siyaasada qaar ka mid ah dowladaha ugu tunka waaweyn dunida, waxay horseeday baraarug horleh oo ku xambaaray Soomaali badani inay isu soo taagto qabashada masuuliyado siyaasadeed ee dalalka ay ku nool yihiin.

Dhanka kale, waxaa iyana muhiim ah inaan sheegno, in dalalka ay ka mid tahay Sweden, inkasta oon Somalidu ka maqnayn nidaamka siyaasadeed, hadana waxa si weyn uga horeeya muhaajiriinta dalalka ay ka mid yihiin Turkida, Iraaniyiinta, Ciraaqiyiinta, kurdidda’ iyo yurubta Bari.

Hadaba, Iyadoo ay soo fool-leedahay doorashada Baarlaamka Sweden ayaa waxaa jira guubaabo xoogleh oo ka dhex-socota Qoomiyada Soomalida: tani waxay ka mid tahay isku-day’ada lagu geesinimo galinayo shaqsiyaad Soomaali ah oo horey ugu soo jiray siyaasada Dalkaas, hasa-yeeshee loo arko inay horey usocon karaan hadii la bari-taaro.

Shaqsiyaadka safka hore kaga jira hadal haynta Soomaalida Sweden, waxaa ka mid ah, Layla Cali Elmi (Jaqadhaf). Layla, horey ayey siyaasada dalkaasi ugu soo jirtay, waxayna saddexdii (3) sano ee u dambeeyey xubin ka ahayd Golaha Deegaanka Degmada Angered SDN ee magaalada Gothenburg. Aqoon ahaan, Layla waxay ku takhasustay isbar bar dhiga siyaasada bee’ada Yurub iyo u dhaqdhaqaaqida  deegaanka .(Environmental Movements and environmental Politics Comparative European Politics)

In badan oo Soomaali ah, ayaa u aragta in Layla ay ka mid tahay shaqsiyaadka ugu hoboon inay Soomaalida Sweden ku matalaan siyaasada dalkaasi, gaar ahaan xubin-nimada aqalka sare ee Baarlamaanka dalkaas oo doorashadiisu dhawaan soo aadan tahay.

Saaxiibo badan oo dhiiri-gelinaya in Layla isu soo taagto aqalka sare ee dalka Sweden, ayaa saluugsan matalaada Soomaalidu ku leedahay hogaanka sare ee dalka, oo ay Soomaalidu tiro badan ku dagan yihiin. Ka maqnaa-shaha madasha go’aan gaarista iyo gorfeynta siyaasadaha horumarinta adeegyada bulshadu, waxay Soomaalida dhaxal siisay difaac-iyo-daryeel la’aan, waxaana loo arkaa inay ugu wacan tahay kala yaacsanaan tooda iyo maqnaanshaha aragti midaysan oo siyaasadeed taas oo hadii la helo u sahli lahayd meel marinta ajendayaashooda siyaasadeed iyo adeeg-fidineed-ba.

Hadaba, dulucda maqaalkaan kooban, waxay daaran tahay; baahinta baraaruga Soomaalida qurbaha ee ka qayb-qaadasha siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin, iyo tan ugu muhiimsan oo ah in dal iyo dibad-ba la garab istaago, dadka soomaaliyeed, ee wax ku ool-ka ah, ee u tartamaya xilal siyaasadeed, oo hadii ay ku guulaystaan, ay soomaalida gudaha iyo dibaduba wax ka faa’iidi doonta. Sigaara waxaan ku dhiiri-galinayna in Layla iyo dadka la mid ka ahi, ay horey ugu socdaan hankooda siyaasadeed- gaar ahaan doorashada soo aadan ee dalka Sweden.

Waxaa Qoray: Mursal Hashim Ciise (Daacad)  Gothenburg ,Sweden.