Trump Oo shuruudo ku xiray dhaqangalka heshiiskii Nukleerka Ee Iran

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in aanu ku qancayn in Iran dhaqan gelisay heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka ee la saxeexay 2015-ki, in kasta oo aanay afkiisa ka soo bixin in uu gebi ahaan ba laalayo heshiiskaa.

Trump wuxu sheegay in Iran marar badan ku xad gudubtay heshiiskaa xadidayey barnaamijkeeda nukliyeerka, waxaanu sheegay in uu kala shaqayn doono Congress-ka iyo xulufada Maraykanka sidii loo guffayn lahaa gol daloolooyinka badan ee heshiiskaasi leeyahay.

Hadii taasi suurto geli weydana wuxu sheegay in uu awoodiisa madaxweyne u adeegsan doono sidii gebi ahaanba Maraykanku uga bixi lahaa heshiiskaa.

Trump waxa uu ballan qaaday in aanay Iran u suurto gelin doonin in ay hub nukliyeer ah samaysato, waxaanu heshiiska ku tilmaamay kii ugu xumaa ee weligii Maraykanku galo.