Video:-Wakiilka Qaramada midoobey Oo taageeray cabashada dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka

Xogo hoose oo laga helayo kulan dhexmaray Madaxweynaha Dawlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wakiilada beesha caalamka ee Somaliya,ayaa sheegaya in uu guuldaraystay kuna soo idlaaday is afargad la’aan.
 
Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayay wakiiladu madaxweynaha uga digeen siyaasada uu dalka ku hogaaminayo waxayna u sheegeen in ay u arkaan mid jahwareersan dib u dhacna ku ah horusocodka dawladnimada Somaliya waxayna wakiiladu Farmaajo ka codsadeen in uu wada hadal la furo dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka si loo xaliyo khilaafka xooga leh ee jira.
 
Kulankan dhexmaray Farmaajo iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa kusoo idlaaday isfahan waa,ka gadaal markii Farmaajo ka gaws adaygay in uu aqbalo codsigooda,isla markaana uu ku dooday in khilaafka jira uu si kale u xalin doono.
 
Hadaba waxaa arinkaas ka hadlay mar uu la hadlayay jaaliyada Somalida Finland wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Michael Keating,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka