Alshabaab oo dib u qabsaday Bariire

Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose kaddib markii ay halkaasi isaga guureen ciidamada milateriga Soomaaliya.
 
Ma ay cadda sababta keentay in xilligan ay ciidammada milateriga ee Soomaaliya ay banneeyaan saldhiggaasi muhiimka ah, sidoo kalana ma ay jirto weli wax war ah oo ka soo baxay milateriga Soomaaliya.
 
Todobaadkii hore ayuu taliyihii hore ee milateriga Soomaaliya, Janaraal Axmed Jimcaale (Cirfiid), inta uusan xilka banayn waxa uu booqasho ku tegay deegaanka Bariire si uu ugu kuurgalo xaaladda ciidammada halkaas saldhigga ku leh.
 
Ururka Al-Shabaab ayaa weerrar uu dabayaaqadii bishii hore ku qaaday isla saldhiggaas waxa uu xilligaas ku sheegtay inay ku dileen in ka badan 90 askari oo ka mid ahaa ciidamada dowladda Soomaaliya ee Bariire.