Baarlamaanka Fadaraalka ayaa ansixiyay heshiiska maxaabiis isku celinta Ee Somaliya iyo Hindiya

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay  xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo India.

161-mudane oo kulanka goob joog ahaa ayaa wada ogolaaday heshiiska, mana jirin wax mudanayaal diiday iyo kuwa ka aamusay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka u soo gudbisay Heshiiskaan Maanta Golaha Shacabka uu meelmariyay.