Tartanka ciyaaraha fudud ee Puntland Oo ay ku guulaysatay Gaalkacyo

Taratanka orodka maraton ee ciyaaraha fudud,ayaa ka qabsoomay caasimada Puntland ee garoowe.
 
Tartankan oo ay ku tartameen Magaalooyinka Gaalkacyo,garowe,Qardho,Bosaso iyo Bursaalax,ayaa ksuoo idlaaday si qurux badan.
 
Tartanka ayaa looga gol lahaa is dhexgalka dhalinyarada iyo sidii lagu heli lahaa ciyaartooy reer Puntland ah oo ku matasha masraxyada somaaliya iyo caalamka kale.
 
Tartanka oo uu maalgaliyay Ururka leafe Education,ayaa
Waxaa ku guulaystay Magaalada Gaalkacyo,sidoo kale waxaa kaalinta labaad galay Magaalada Garowe,iyadoo kaalinta sadexaad ay gashay magaalada Bursaalax.
 
Madaxa ururka leafe Education Fahan Biixi Soofe oo ah Ururka maalgaliyay ciyaarahan oo goobta ka hadashay,ayaa dhiirigalisay ciyaartooydii ka qaybgashay ciyaarahan,waxayna goobta ka balanqaaday in ay sanad walba qaban doonaan tartankan oo kale.