Diblomaasi ka tirsan safaarada Qadar Oo ku dhaawcmay Qaraxii Soobe

Wakaaladda Wararka dalka Qatar ayaa kasoo xigatay Madaxa xafiiska warfaafinta wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar Axmed Saciid Ar-rumeyxi  in dhismaha Safaaradda Qatar ee  Magaaladda Muqdisho  oo ku yaala isgoyska Zoobe ay waxyeello ba’an kasoo gaaray qarixii ka dhacay isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale warka soo baxay Dowladda Qatar ayaa intaa lagu daray in arrime-fuliyaha dowladda Qatar u jooga Soomaaliya uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa, xaaladiisuna ay aad u wanaagsan tahay xiligaan.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhammaan shaqaalaha iyo madaxda safaaradda Qatar ee Soomaaliya ay xaaladooda wanaagsan tahay, islamarkaana sidii xaaladooda loola socon lahaa ay dowladda Qatar lasoo xiriirtay dowladda Soomaaliya si ammaanka diblomaasiyiinta Qatar loo adkeeyo.